4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 31, 2018
Cabdiweli Gaas oo safar aan la shaacin ku tagey gobolka Mudug

Isniin, December, 31, 2018 (HOL)- Madaxweynaha uu xilka ka dhammaanayo ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xilli hore oo saakay ah safar aan horay loo sii shaacin ugu ambabaxay gobolka Mudug.

Warar kala duwan oo safarka laga helay ayaa sheegaya in madaxweynaha uu halka u tagey booqasho la xiriirta qoyskiisa,iyadoo warbaahinta gudaha ay ku warrantay inuu madaxweynaha booqasho ugu tagey Hooyadii oo ku sugan galbeedka gobolka Mudug.

Safarka deg deg ah ee madaxweynaha Puntland ayaa ku soo aadday xilli la filayo galinka dambe ee maanta in la shaaciyo xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub,iyadoo dhaqdhaqaaq arrinata la xiriira laga dareemayo magaalada Garoowe.

Cabdiweli Gaas, oo ah musharrax madaxweynaha ayaa sidoo kale culeys badan kala kulmaya qaar ka mid musharraxiina u tartamaya xilka madaxweynaha, kuwaas oo horey u sheegay inay dadaal ku bixin doonan sidii uu isbeddel uga dhici lahaa Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]