4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 23, 2018
Golaha Guurtidda Somaliland oo go’aamiyey in la gubo buug muran badan dhaliyey

 

Axad, December, 23, 2018 (HOL) – Golaha Guurtida Somaliland ayaa go’aan ka soo saaray buugii uu qoray wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri barwaaqo oo ay muddo dheer ka cabanayeen haweenka Somaliland inay ku jirto qaybo uu wax kaga sheegayo dumar Soomaaliyeed.

Haweenka Somaliland ayaa cabashadoodda u gudbiyey shirgudoonka Guurtidda, waxaana loo magacaabay guddi ka kooban xildhibaano si ay usoo darsaan waxa ku qoran buuga ee haweenku ka biyo diideen, waxaana guddidaasi soo saareen in gabi ahaanba buugaasi Sooyaal la gubo, isla markaana aan dib dambe loo soo daabicin, dalkana laga mamnuuco.

Guddida loo xil saaray ka garniqidad buugan Sooyaal ee haweenku ka cawdeen waxay golaha usoo gudbiyeen in Buugaasi ka hor imanayo dhaqanka iyo nabadgalyadda dalka, isla markaana loo baahan yahay in la cidhib tiro oo la gubo.

Guddidu waxay sheegeen in wasiirka Warfaafinta wax ka waydiiyeen buuga, isla markaana haweenka waraysteen waxyaalaha ay ka cabanayan, taasina ay keentay in buugaasi dalka laga mamnuuco.

 

“bishii sideedaad ee sanadkan waxa cabasho usoo gudbiyey hablo reer Somaliland ah, waxaanu shirgudoonku magacaabay toddobo xubnood, ka dib markii guddidu dhagaysatay dacwadii hablaha oo qoraal iyo afba ah, ka dib markii gudidu dhagaysatay jawaab celintii cidda buugu khuseeyey oo ah wasiirka warfaafinta Somaliland ka dib markii guddidii gaar isku noqotay, waxaanu go’aan ka gaadhnay muranka mudadda dheer jirtay, waxaanu aqoonsanahay in buugaasi ku badan tahay aflagaado badan oo dhaqanka, diinta iyo nabadgalyadaba wax u dhimaya, waxaana soo saarnay in buugaasi dalka laga ururiyo oo la gubo dalkana laga mamnuuco”ayuu yidhi gudoomiyaha guddida Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan.

Sidoo kale, waxay guddidu go’aan ka soo saartay in gabayadii hore ee reer miyigu ay reeruhu isku gabyi jireen aan buug laga samayn Karin maadaama oo uu abuuri karo caadifad iyo nabadgalyo daro.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.