3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 22, 2018
Tirada ciidamada Burundi ee Soomaaliya jooga oo la dhimayo

 

Sabti, December, 22, 2018 (HOL) –Dowladda Burundi ayaa sheegay in ilaa 1, 000 askari oo ka mid ah ciidamada ka jooga Soomaaliya ee qeyba ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM la baxayaan, kaddib markii uu sida ka codsaday Ururka midowga Africa.

Dowladda Burundi ayaa ah wadanka labaad ee ciidamada ugu badan ku deeqay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya marka laga soo tago Uganda waxaana Soomaaliya ka jooga 5, 400 Askari, waxaa sidoo kale ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya dalalka Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya.

“Soomaaliya waxaa inaga joogo ciidamo gaaraya 5,400 waaxana nahay wadanka labbaad ee ciidamada ugu badan ugu deeqay Soomaaliya marka laga soo tago Uganda , waxaana inoo qorsheysan in ilaa 1,000 kamid ah ciidamadeena aan kala soo baxno, waana codsi ay midowga Afrika inaga codsadeyn” ayuu lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda Difaaca dowladda Burundi.

Guud ahaan marka la eego tirada ciidamada midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya oo ka socda ilaa shan wadan ayaa gaaraya 21,500 kuwaa oo taageero militari siinaya dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirta Ururro xagjir ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
12/22/2018 10:56 AM EST
Sabti, December, 22, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay shacabkii iyo askartii ku geeriyooday qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

12/22/2018 8:46 AM EST
Sabti, December, 22, 2018 (HOL)–Wasiirka Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar saacadihii la soo dhaafay leysla dhaxmarayay oo sheegayay in la xiray.

12/22/2018 7:39 AM EST
Sabti, December, 22, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Mudug.

12/22/2018 5:56 AM EST
Sabti, December, 22, 2018 (HOL)-Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in ay gacanta ku soo dhigeen qofkii haggaha ka ahaaweeraradii qaraxyada ahaa ee Muqdisho ka dhacay maanta,

12/22/2018 5:04 AM EST
Sabti, December, 22, 2018 (HOL)-Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Daahir Maxamuud Geelle, ayaa tacsi u diray ehelada iyo asxaabta Wariye ,Cawil Daahir Salaad iyo qaar ka tirsan shaqaalaha Universal Tv oo qarax ka dhacay Tiyaatarka Qaranka agtiisa ku dhintay.

12/22/2018 3:24 AM EST
Sabti, December, 22, 2018 (HOL)-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qaraxyo is xig xigay oo subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay magaalada Muqdisho.

12/22/2018 1:55 AM EST
Sabti, December, 22, 2018 (HOL) – Qaraxan oo ahaa mid xoogan oo inta badan laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa goor dhaw ka dhacay nawaaxiga madaxtooyada Soomaaliya.

12/22/2018 1:01 AM EST
Sabti, December, 22, 2018 (HOL) – In ka badan 15 ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen dagaal culus oo saacadihii ugu danbeeyay labo maleeshiyo beelleed ku dhaxmaray deegaan hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

12/22/2018 12:45 AM EST
Sabti, December, 22, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Jimcihii sheegay in waddankiisu uu si ku meel gaar ah u hakin doono howlaha militari ee ka dhanka ah xoogagga Kurdishka ee uu Maraykanku taageero ee jooga woqooyiga bari ee dalka Syria, isagoo soo xiganaya wadasheekeysi khadka taleefanka ku dhex maray isaga iyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump toddobaadkii tegay.

12/22/2018 12:32 AM EST
Sabti, December, 22, 2018 (HOL)–Garaad Maxamed Xirsi Ducaale ayaa lagu caleemo saaray deegaanka Qararo oo ka tirsan Degmada Dannood ee gobolka Doollo (Wardheer) ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

12/22/2018 12:30 AM EST
Sabti, December, 22, 2018 (HOL) – Dooddan oo ay kaqayb-galeen ilaa 100 qof oo isugu jira Barayaal wax ka dhiga Jaamacado kala duwan, Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo culimada diinta ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Xarunta Xayaat ee tababarada hoggaamineed iyo cilmibaarista ee magaalada Muqdisho.