4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2018
Xisbiyadda mucaaradka iyo xukuumadda Somaliland oo qodobo ay ku heshiiyeen soo saaray

 

Isniin, December, 17, 2018 (HOL)- Xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ayaa xalay isku afgartay wakhtiga doorashooyinka golaha Wakiilada iyo Deegaanku dhici doonaan oo wakhtigii hore loo qorsheeyey dib u dhac ku yimid.

Madaxweyne Muuse Biixi oo uu wehelinayo madaxweyne ku xigeenkiisa C/raxmaan Saylici ayaa xalay kulan la qaatay hoggaanka axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore, siyaasiyiin iyo madaxda ururrada bulshada rayidka ah.

Kulankan uu madaxweynuhu isugu yeedhay axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore iyo ururrada Bulshada rayidka ah, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii wada-jir loogu wajahi lahaa arrimaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxana ay hoggaanka axsaabta qaranku muujiyeen muhiimadda ay leedahay qabsoomidda doorashooyinku si loo xaqiijiyo geeddi-socodka Dimuqaariyadda Somaliland iyo in meesha laga saaro caqabadaha hortaagan qabsoomidda doorashooyinkaas, isla markaana lagu diyaarin lahaa jawi ay doorashooyinku ku qabsoomi karaan.

Ugu dambayntii waxa ay hoggaanka saddexda xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI wada jir u go’aamiyeen qodobbadan hoos ku qoran:

1. In doorashada goleyaasha wakiillada iyo deegaanku ku qabsoonto dhammaadka sannadka 2019-ka.

2. In si wada-jir ah ay uga wada-hawl galaan xallinta iyo dhammaystirka wax kasta oo ku xidhan qabsoomidda doorashada.

3. In si niyadsami ah loo sii wado wada-tashiga iyo wada-hadallada saddexda guddi ee xisbiyada qaranka.

4. In wixii caqabad ah ee soo kordha laga wada-tashado.

Is afgaradkan ay iskugu yimaadeen xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuumadda waxa ka dambeeyey guddi isku xil saartay xalinta khilaafaadka ay sababeen dib u dhaca ku yimid doorashooyinkii la filayey, waxaana guddidaasi hor kacayey madaxweyne ku xigeenadii hore ee Somaliland soo maray oo maalmihii u dambeeyey iskaga dab qaadayey madaxda xisbiyada iyo madaxweynaha.

Xisbiyda mucaaradka ayaa ka walaacsanaa in dib u dhacaasi doorashadda ay keento in muddo laba sanno ah la kordhiyo maadaama oo looga bartay Somaliland hadii doorashadu dib u dhacdo ugu yaraan laba sanno loo kordhiyo goleyaasha jira, haseyeeshee inta aanay golaha Guurtidu kordhin ayaa la isku afgartay inay doorashaddu qabsoonto dhamaadka sanadka 2019-ka, halka markii hore ka dhici lahayd doorashaddu bisha March,2019-ka oo billo kooban uun dib u dhacaysa.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.