Isniin, August, 06, 2018 (HOL) –Wararka ka imanaya
magaalooyinka Jigjiga iyo Diri-Dhabe ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya
ayaa sheegaya in ay ka jirto xaalad degenaasho, kaddib rabashadoo labadii cisho
ee la soo dhaafay ka dhacayay.
Magaalada Dirir-Dhabe oo shalay ay isku
fara-saareen dad ka soo kala jeeda Qowmiyadaha Soomalida iyo Oromada ayaa
degan, kaddib markii ay arinka soo fara-galiyeen ciidamada federaalka Itoobiya
oo kala diray dadkii rabashadaha halkaa ka dhigay ee isku dhac-yada ku lugta
lahaa, waxaana wararku sheegayaan in xaalada magaaladu caadi ku noqotay.
Sidoo kale waxaa iya-na degan magaalada Jigjiga
ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo maalin ka hor ay gudaha u
galeen ciidamada federaalka Itoobiya oo laakiin markii danbe isaga baxay kaddib
rabshado xoog leh oo ka dhacay magaalada.
Ugu yaraan 26 ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay
ku dhinteen sku dhacyadii ugu danbeeyay ee ka dhacay dhulka Ismaamulka
Soomaalida Itoobiya, wali-na waxaa muuqata in uusan jirin xal kama danbeys ah
oo laga gaaray xiisadaha jira iyo kala aragti-duwanaashaha siyaasadeed ee
maamulka dowlad deegaanka Somaalida iyo dowladda dhexe ee Itoobiya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]