4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 30, 2018
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay


Khamiis, August, 30, 2018 (HOL)–Subaxnimadii hore ee saakay waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray sanad iyo dheeraad oo uu dalka dibeda uga maqnaa kaddib madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Xassan Sheekh waxaa siweyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda, xubno horay uga tirsanaa dowladda uu madaxweynaha ka ahaa iyo siyaasiyiin ay saaxiibo dhaw ku ahaayeen dhinaca shaqada.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay guddi-gaar ah u soo saartay soo dhaweyn-ta madaxweynihii hore, kuwaa oo ka mid ahaa xubnihii garoonka uga hortagay.

Isaga oo ka hadlayay munaasabad kooban oo soo dhaweyn aheyd ayuu sheegay in uu u yimid sidii uu u dhageysan lahaa afkaarta kala duwan ee dadka Soomaaliyeed, soona mari doono dalka intiisa badan.

Lama oga ujeedada socdaalkiis, hasse ahaatee warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in uu u yimid yagleelida xisbi siyaasadeed ka mid noqonaya asxaabta u tartami doonta doorashada sanadka 2020ka la filayo in ay dalka ka dhacdo.

Sidoo kale socdaalkiisa Muqdisho ayaa imanaya xili maalintii shalay uu dalka ka dhoofay madaxweynaha imika tallada haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo China shir uga qeybgalaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]