3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 30, 2018
Wararkii ugu danbeeyay Boobka ganacsatada ajaanibta ah ee Koonfur Africa

 

Khamiis, August, 30, 2018 (HOL) – Ganacsato badan oo Soomaali ay ka mid yihiin ayaa ku hanta-beellay boob aan loo kala harin oo burcad South African ah  iyo dad dan-yar ah ku qaadeen goobaha ganacsiga xaafadda Soweto magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Africa.

Ibraahin Aadan oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee hanti-dooda lagu Boobay Soweto ayaa sheegay in labo tukaan oo uu lahaa la qaatay gabi ahaanba wixii hantidi ahaan ee uu yaalay, isagana uu lafahiisa kala baxsaday.

‘’Anniga waxa leyga dhacay labo dukaan, waayo mid wuu yara-weynaa oo waxaa uu ahaa Super Market, hantida leyga dhacay waxaa ay gaareysaa qiyaastii ilaa $350.000 (Saddex Boqol iyo Kunton Kun oo Dollar) ayuu yiri Ibraahim Aadan’’

Xaafadda uu boob-kani ka dhacay ee Soweto ayuu ku tilmaamay in ay tahay mid ka mid ah xarumaha ganacsiga ee ugu weyn caalamka, waxaana ku uruursan ganacsatada ajaanibta ee ugu badan dalka Koonfur Africa.

Ciidamada Booliiska ayuu sheegay in aysan ka qaadin boob-ka lagula kacayo ganacsatada tallaabadii loo baahnaa kaddib markii ay ku war-galiyeen weerarka lagu hayo dukaamadooda.

‘’Booliis-ka waan u yeeranay markii ay rabshaduhu bilaawdeen, iyaga oo jooga ayuu boobku socday, waayo dadka dhaca geysanayay wey ka tiro bad-naayeen Booliiska’’ ayuu yiri Ibraahim Aadan oo ka mid ah dadka ganacsigooda lagu boobey Soweto.

Intii ay rabshadahanni socdeen waxaa goobta ku dhintay nin dhalinyaro South African ah oo ka mid ahaa dadkii boobka geysanayay, waxaana dilay sida la sheegay ganacsade Soomaaliyeed oo uu isku dayay in uu boobo dukaankiisa.

Dadka boobka uu sida weyn u sameeyay ayaa ah ganacsatada u dhalatay dalalka Itoobiya, Pakistan iyo Bangladesh, halka ganacsatada Soomaaliyeed bilaabeen in ay is difaacaan iyaga oo la soo baxay hub.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/30/2018 4:00 PM EST
Khamiis, August, 30, 2018 (HOL)–Waxaa la sameeyay sida ay isku beegsan doonaan kooxaha ka qeybgalaya tartanka Horyaalka Yurub Champions League 2018/2019, waxaana isku Group ku soo dhacay kooxo aad u adag.

8/30/2018 3:50 PM EST
Khamiis, August,30, 2018 (HOL)-Wararka ka imanaya xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM galinkii danbe ee maanta halkaa ku dileen qof rayid ah oo sida dadka deegaan-ku sheegeen kaxeysanayay gaari.

8/30/2018 10:46 AM EST
Khamiis, August, 30, 2018 (HOL)–Goobjogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in madaafiic loo maleynayo in laga soo tuuray qoriga hoobiyaha maanta ku soo dhaceen qeybo ka mid ah degmada Warta-Nabada Ex Wardhiigley ee gobolka Banaadir.

8/30/2018 8:02 AM EST
Khamiis, August, 30, 2018 (HOL)–Shirka Beijing ka furmaya horaanta todobaadka inagu soo foolka leh waxaa isku arkaya madaxda qaarada Africa iyo dowladda Shiinaha oo dhowrkii sano ee ugu danbeeyay-ba shirka marti-galineysay.

8/30/2018 3:05 AM EST
Khamiis, August, 30, 2018 (HOL)–Subaxnimadii hore ee saakay waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray sanad iyo dheeraad oo uu dalka dibeda uga maqnaa kaddib madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

8/30/2018 12:48 AM EST
Khamiis, August, 30, 2018 (HOL)–Dawladda UK ayaa heshiis amniga iyo dhanka difaaca la gashay Nigeria kaaso ka caawin doono xukuumadda madaxweyne Muhammadu Buhari la dagaalanka kooxda Booko Xaraam.

8/30/2018 12:43 AM EST
Khamiis, August, 30, 2018 (HOL)–Maxkamad ku taala dalka Masar ayaa ka soo hormuuqday Nin Masaari ah oo la sheegay in sanadkii 2016kii uu dilay haweeney Soomaali ah oo qaxooti ku aheyd dalka.

8/30/2018 12:26 AM EST
Khamiis, August, 30, 2018 (HOL)–Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajisay in la sameeyay xafiis u gaar ah Ururrada hubeysan ee dalka Itoobiya, kaa oo ka shaqeyn doono sidii hub ka dhiggis loogu sameyn lahaa.