Khamiis, August, 30, 2018 (HOL)–Dowladda Itoobiya ayaa
markii ugu horeysay ka dhawaajisay in la sameeyay xafiis u gaar ah Ururrada
hubeysan ee dalka Itoobiya, kaa oo ka shaqeyn doono sidii hub ka dhiggis loogu
sameyn lahaa.
Xafiiska ayaa marka laga soo tago howlaha hub ka dhiggista
ah sidoo kale waxaa uu noqon doonaa mid u adeega danaha iyo Ururrada mucaaradka
iyo waliba siddii shaqo abuur loogu sameyn lahaa mar haddii ay meesha-ba ka
saaraan wax ku doonistii qorigga carradiisa.
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay sidoo kale soo
dhaweyneyso xubnaha doonaya in ay ku biiraan ciidamada oo uu xafiisku diiwaan-gali doono.
Dowladda Itoobiya ayaa horey heshiis nabadeed ula gaartay
Ururrada mucaaradka ee hubeysan oo ka mid yihiin labada Urur ee ugu waaweyn
dalkaa ONLF OLF oo hadda qaatay heshiiska nabadeed iyo gogosha ay u fidisay
xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.
Sabtidii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy
Axmed uu ugu baaqay Ururradan in ay hubkooda si nabad ah kusoo dhiibaan
islamarkaasna ay ku dagaalamaan firkadahooda iyo qalinka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]