4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 20, 2018
Somaliland oo ka jawaabtay hadallo ka soo yeedhay Puntland

 

Isniin, August, 20, 2018 (HOL) - Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadalo hanbajaad ahaa oo ka soo yeedhay maamulka Puntland ee Soomaaliya.

Afhayeenka wasaarada Gaashaandhiga Somaliland Cumar Cabdirisaaq ayaa sheegay inay tixgalinayaa go’aamadii ka soo baxay urur goboleedka IGAD iyo xafiiska wakiilka UN-ta u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ee ahaa in deegaankaasi nabad lagu soo celiyo.

“Madaxda muddo kordhiska raba waxay maalin kasta warbaahinta la soo fadhiyaan kala fogeynta shacabka iyo waliba sidii ay fadqalalo uga ridi lahaayeen deegaanada Nabadda iyo harumarku ka jiro ee ka badbaaday maleeshiyadaas, ciidanka Somaliland wali may gaadhin xuduuda rasmiga ah ee aanu leenahay, taasi oo ah kambalka Garoowe ee maamulkaasi, balse waxaanu tixgalinaynaa oo dhowraynaa shacabka deegaanadaasi oo aanu barakac u diidanayn iyo si aysan cabdsi badan u dareemin ciidamadaasi dushooda yimid, Tukaraq waa deegaan Somaliland ka tirsan”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi ka soo baxay wasaaradda Gaashandhiga.

“Somaliland waxa ka go’an nabad ku wada noolaanshaha wadamada jaarka, balse ma aqbalayso cid kasta oo xuduudaheeda ku soo xad gudubta, wasaarada gaashaandhiga iyo ciidanka qaranku waxa ka go’an in ay sugaan xuduudda kala duwan ee dalka, waxaanu dignin u dirayna maamulka puntland ee soomaaliya oo aanu leenahay nabad ku wada noolaanshaha mandaqada waanu tixgalinaynaa hadiisa aad tixgalin waydaan waxaad kala kulmi doontaan wixii aad hore ciidan kaa xoog badan kala kulmi jirtay”ayaa lagu yidhi qoraalkaasi ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhiga SOmaliland.

Puntland ayaa sheegtay in ay dagaal ku qaadi doonto hadii aanay ciidanka Somaliland dib ugu noqon deegaanadoodda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.