4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 10, 2018
Shaqaale ka tirsan hay’adda Bisha Cas oo lagu afduubtay gobolka Baay

 

Jimco, August, 10, 2018 (HOL) – Shaqaale ka tirsan hay’adda Bisha Cas ayaa lagu waramayaa in dabley loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin xooggaga Al-shabaab ku qafaasheen gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed.

Maxamed Isaaq Ibraahim Aflow ayaa warbaahinta u sheegay in deegaan lagu magacaabo Busley oo ka tirsan magaalada Baydhabo laga qafaashay shaqaalahan ka midka ahaa shaqaalaha hay’adda Bisha Cas.

Mukhtaar Aadan Dalmar oo ah suxufi ka howlgala magaalada Baydhabo ayaa Anadolu Agency u sheegay in uu hadda soconayo dadaalo ay wadaan odayaasha iyo maamulka deegaanka oo la doonayo in lagu sii daayo dadkan la afduubtay

Dadkan la afduubtay ayaa ka kooban shan ruux oo saddex ka mid rag yihiin halka saddex-da qof kale-na lagu sheegay dumar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]