4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 9 , 2018
Jawaari oo markii ugu horeysay xaqiijiyay in uu xilka iska casilay

 

Isniin, April, 09, 2018 (HOL) – Guddoomiyihii Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah u xaqiijiyay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay Baarlamaanka kaddib khilaaf ku dhawaad muddo bil ah ka dhax taagnaa Golaha.

“Waxaan idin xaqiijinayaa in aan iska casilay xilka Afhayeenka Baarlamanka, waxaan u turay Aayaha dalka iyo inuusan imaan khalalaase siyaasadeed oo muddo fog socda, kaasoo sababi kara in dalka uu galo burbur.” ayuu yiri Gudoomiye Jawaari oo la hadlayey idaacada BBC-da.

Prof Jawaari ayaa sheegay in go’aankan uu qaatay si uu burbur uga badbaadiyo Baarlamanka iyo dowlada.

Wuxuu sheegay in kulanka Arbacada dhici doono uu si rasmi ah xildhibaannada uga hor sheegi doono istaqlaadadiisa iyo in uu xilka isaga degay.

Laakiin guddoomiyuhu ma uusan bixin faah faahin intaa dhaafsiisan oo la xiriirta sababaha ku kalifay in uu ku dhawaad bil uu soo jiitamay is mari-waagan in uu waqtigan ku soo beego is casilaadiisa.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Cabdiwali Muudey ayaa baarlamanka ka sheegay inuu is casilay Jawaari, sidaasi darteedna waxaa la joojiyay codkii kalsoonida ee loo qaadi lahaa guddoomiyaha.

Iscasilaadan ayaa timid kaddib kulamo is daba joog ah oo tan iyo shalay u socday isaga iyo madaxweynaha dowladda Soomaaliya, taasoo ugu danbeyntii keentay in uu aqbalo tallaabadan uu xilka uga tagay.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]