4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 9 , 2018
Ciidamo saldhigyo ka sameystay Waddada xiriirisa Jowhar iyo Balcad

 

Isniin, April, 09, 2018 (HOL) – Ciidamo isugu jira kuwa dowladda Soomaaliya iyo ciidamo AMISOM ah ayaa fariisimo ka sameystey wadada u dhexeysa magaalada Jowhar iyo degmada Balcad gaar ahaan goob hore loogu weeraray ciidamada AMISOM iyo kuwa Milatariga ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay fariisimo ka dhigteen deegaanka Haan-Sheekh oo u dhexeeya Gololey iyo degmada Balcad iyo sidoo kale deegaanka Gololey.

Ciidamada ayaa halkaa fariisimo ka sameystay kaddib markii bilihii ugu danbeeyayba xaalad amaan daro oo weyn ka taagneyd waddadaas , waxaana la filayaa in ciidamadan sugaan Amniga waddada.

Ciidamo AMISOM ah iyo kuwa Milatariga Soomaaliya ayaa dhowr jeer hore dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ku weerareen Haan-Sheekh halkaasoo gaadiid dagaal loogaga gubay ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalidaba.

Al-shabaab ayaa marar badan oo hore weerarro ka geystay waddadas, iyaga oo jidka u gallay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo ay gaarsiiyeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]