4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 9 , 2018
Maxkamada darjada koowaad ee ciidamada oo xukun dil ah ku riday Cabdinaasir Xoosh

 

Isniin, April, 09, 2018 (HOL) - Maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka Sida ayaa mar kale xukun dil ah ku riday Ex, G/sare Cabdinaasir Xoosh Maxammed oo horay dil ugu soo xukuntay Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka Sida.

Ex, G/sare Cabdinaasir Xoosh Maxamed ayaa 18-kii bishii Janaayo ee sanadkan gudaha Dekadda Muqdisho ku dhex dilay taliye ku-xigeenkii ciidanka badda Soomaaliya Siciid Mariino kaddib markii uu muran dhex maray.

20-Bishii February ayaa Maxkamada ciidamada Qalabka sida waxaa ay ku riday Ex, G/sare Cabdinaasir xukun dil toogasho ah,balse uu racfaanka qaatay, balse ugu dambeyn maanta mar kale xukun dil toogasho ah lagu xukumay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamada Qalabka sida S/guuto Liibaan Cali Yaroow ayaa ku dhowaaqay xukunka dilka ah ee lagu riday Ex, G/sare Cabdinaasir Xoosh Maxamed .

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]