4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 9 , 2018
Jaaliyada Soomaaliyeed oo Toronto oo kulan ballaaran yeelatay


Isniin, April, 09, 2018 (HOL) – Waxaa malinta Sabtida ee taariikhdu aheyd April 7, 2018, lagu qabtay Iskuulka Kipling Collegiate Institute ee ku yaalla magaalada Toronto shir balaaran oo ay kasoo qayb galeen dad ku dhow 600 qof ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan magaalada Toronto iyo nawaaxigeeda.

Shirkaas oo ay soo abaabuleen guddi ka kooban aqoonyahanno, culumaa’uddiin, waalidiin, iyo dhalinyaro ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Toronto. Guddigaas oo la magac baxay “Somali Canadian Forum” ayaa shirka u agaasimay si hufnaan sare ah waxayna dadka kasoo qayb galay u riyaaqeen habsamida uu shirka u socday. Wuxuu ahaa shir wax ku ool badan ayna kasoo qayb galeen madaxda kala ah:

  1. Michael Coteau- Minister of Children & Youth Services (Ontario)
  2. Doug Ford- Leader of the PC Party
  3. Peter Tabuns- MPP Toronto-Danforth.
  4. John Tory - Mayor of Toronto
  5. Yvan Baker - MPP Etobicoke-Centre.
  6. Shafiq Qaadri- MPP Etobicoke-North.
  7. Michael Ford - Councillor Etobicoke- North Ward 2
  8. Vincent Crisanti -Councillor Etobicoke - North Ward 1
  9. Abdi Hagi Yusuf - Canadian Union of Postal Workers- Secretary-Treasurer.

Somali Canadian Forum oo ay ka wada tirsan yihiin culumaa’uddin, aqoonyahano, iyo dhalinyaro ayaa ah madal ama urur ka caagan in ay qaataan wax lacag ama deeq ka timaadda dowladda Canada iyo ururada la halmaala. Ulajeedada shirka laga lahaa ayaa ahayd laba qaybood. Qaybta koowaad oo Af-Soomaali barnaamijku uu ku socdey waxay guddiga la wadaageen jaaliyadda hawsha ay soo qabteen, sababta loo aasaasay guddiga, iyo waxa ay ku tala jiraan in ay ka qabtaan sidii loo joojin lahaa muusiibada ka heysta dilka dhalinyarada Soomaali. Qaybtaan waxaa ka hadlay culumaa’uddin iyo aqoonyahanno. Waxaa hadal taabtay dhinacya badan ku saabsan badbaadada dhalinta Soomaaliyeed soo jeediyey Sh. Cadulraxmaan Bashir.

Qaybta labaad ee shirku oo barnaamijku ahaa af-Ingiriis waxey dhalinyaro ka tirsan jaaliyadda usoo bandigeen “powerpoint presentation” oo guddigaan soo diiyaariyey oo ay ugu sharaxayaan madaxda dowladda gobolka, xisbiyada mucaaradka ee gobolka, dowladda hoose, iyo dadweynaha Soomaaliyeed asbaabta ama daruufaha keena dhibkaan iyo musiibadaan, tirakoob ka hadleysa tirada toogashada iyo dilka ka dhacay magaalada sanooyinka lasoo dhaafey, iyo cilmibaaris ay soo sameeyeen sidii arrintaan wax looga qaban lahaa. Waxa ay aad diiradda u saareen in loo baahan yahan in iskaashi uu dhex maro jaalidda Soomaaliyeed, ciidamada Booliska, wasaaradaha kala duwan ee gobolka, iyo hay’adaha dowliga oo idil. Waxay kaloo si cad u tilmaameen in si wadajir ah musiibadaan looga hortago. Waxayna guddiga “Somali Canadian Forum” ay madaxda joogtey hordhigeen afar “recommendations” ama talo soo jeedin ku saabsan sidii dilalkaan loo joogin lahaa dhalinyarada yaryarna looga celin lahaa in ay ku biiraan kooxa hubeysan.

Duqa magaalada Toronto, Mayor John Tory, ayaa ugu horeeyey qof ka ajiiba talo soo jeedintaas isagoo balan qaadey in intaas iyo kabadanba uu diyaar u yahay in uu qabto. Waxaa ku xigey wasiirka dhalinyarada iyo adeega caruurta oo isagana ogolaaday in ay dowladda gobolka ay fuliso talo jeedintaas kuna tilmaamay in dhibaatada jirta aysan ka marneyn midab takoorka weli ka jira gobolka.

Waxaa ku xigey madaxa xisbiga mucaaradka ee PC, Doug Ford, oo ku tilmaamay jaaliyadda Soomaali ee gobolka Ontario dad firfircoon isagana uu u heysto in ay yihiin reerkiisa oo kale. Wuxuuna balan qaadey in uu talooyinkaas uu fulin doona. Ugu dambeyntii waxaa ka hadley arrintaan xildhibaan Peter Tabuns oo ka tirsan xisbiga gobolka ee mucaaradka ee NDP, oo ku nuuxnuux saday sida ay xisbigiisa u garab taagan yihiin jaaliyadda ayna ku dhaqmidoonaan talooyinka loo soo jeediyey.