4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 9 , 2018
Xildhibaanno digniin culus ka soo saaray kulanka maanta

 

Isniin, April, 09, 2018 (HOL ) –Guddi xildhibaanno ah dhawaan uu guddoomiye Jawaari uu saaray xal u helida khilaafka siyaasadeed ee ka Oogan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa eedeyn kulul u jeediyay madaxda ugu sareysa Qaranka, gaar ahaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddigan oo ka koobnaa 7 xubnood kana tirsan xildhibaannada ka soo horjeeda mooshinka, ayaa ayaa sheegay in madaxweynuhu iska dhaga-tiray dhamaan tallooyinkii ay u soo jeediyeen si oo loo dhameeyo xiisada ka dhax jirta Baarlamaanka.

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) ayaa sheegay in Madaxweynaha ay hordhigeen labo qodob oo kala ahaa in lagu dhaqmo dastuurka, islamarkaana sanduuq lagu kala baxo, iyadoo goob joogayaal ay joogaan iyo in wada hadal siyasadeed la gaaro.

Xildhibaan Xassan Yare ayaa sheegay in madaxweynaha iyo guddoomiye Jawaari oo wada fadhiya xildhibaannada loo diray fariimo loogu baaqayo in ay ka soo qeybgallaan kulan Berri ka dhacay xarunta Golaha Shacabka, taasoo uu ku tilmaamay arin nasiib darro ah.

Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay xukuumadda in ay ka dhigtay golaha Baarlamaanka xarun dagaal oo saacad walba loo sii daabulayo sida uu hadalka u dhigay ciidamadii loogu talagalay difaaca dalka.

“Haddii uu madaxweynuhu fowdo aqbalo waxaa laga yaabaa in wax-yaabo badan ay dhacaan, berri isaga ayaa gacmaha iyo lugaha loo taagayaa, madaxweyne sii ma sii ahaan karo hala socdo”ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare.

Khilaafka ayaa hadda u muuqda mid faraha ka baxay, islamarkaana ay u muuqato in xildhibaannada leysku fasaxay ishana lagu wada hayo halka ay wax ku danbeeyaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]