4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 9 , 2018
Xildhibaannada Baarlamaanka oo codka kalsoonida u qaadaya mooshinka ka dhanka ah guddoomiye Jawaari

 

Isniin, April, 09, 2018 (HOL ) – Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa la filayaa in xildhibaannada Golaha Shacabka ka yeeshaan mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudeey ayaa shalay gelinkii dambe xildhibaanada u kala diray fariin ah in maanta oo Isniin ah uu jiro kulanka Baarlamaanka, Ajandihiisana uu yahay cod u qaadista mooshinka ka yaalla guddoomiye Jawaari.

Inkastoo kulamo badan oo hore dibb u dhac ku yimid haddana , balse kulanka maanta ayaa ayeey u badan tahay in uu qasoomo, xildhibaannaduna cod galiyaan mooshinka laga keenay guddoomiye Jawaaari, madaama lagu guul-dareysatay dadaallo la doonayay in xiisada lagu qaboojiyo.

Ciidamada ammaanka ayaa xalay saq dhexe waxa ay xireen wadooyinka waa weyn ee Muqdisho, gaar ahaan waxaa aad lo adkeeyay ammaanka Waddada Maka Al-mukarama oo gasha Madaxtooyada.

Dadka shacabka ah ayaa aad u hadal haya kulanka maanta ee xildhibaanada, waxaana laga cabsi qabaa in maanta uu gacan ka hadal ka dhaco xarunta Golaha Shacabka, maadaama xildhibaanada ay laba u kala qeybsan yihiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]