4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 8 , 2018
Boorsooyin lacag ah oo la qabtay iyo Baarlamaanka Soomaaliya oo Berri shiraya

 

Axad, April, 08, 2018 (HOL ) – Muqdisho caawa hadal heynta ugu weyn ayaa ah lacagta lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo kulanka la filayo in maalinta Berri ah ku yeeshaan xarunta Golaha Shacabka xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya kaa oo Ajandihiisu yahay kalsooni kala noqoshada guddoomiye Jawaari.

Lacagtan la qabtay oo cadadkeedu dhamaa $ 9 Milyan iyo 600 oo Kun dollar ayaan la ogeyn ilaa iyo hadda halka ay ku soctay waxaana lagu siday diyaarad ka timid dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta oo tan iyo wixii ka danbeeyay khilaafkii Khaliijka aan xiriir wanaagsan la aheyn dowladda Soomaaliya.

Cidna xog ku filan kama helin halka rasmiga ee lacagtan lagu waday hasse ahaatee waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in lacagtan loo isticmaali lahaa saadka iyo mishaarka ciidamo ka tirsan dowladda oo ay tababaraan Imaaraadka Carabta.

Laakiin taa badalkeeda dhinaca kale marka aad eegto dowladda Soomaaliya ayaa ka shaki qabta in lacagtan ay ku soctay dhinacyada kale ee ka soo horjeeda iyadoo la ogyahay in ay jirto xasarad siyaasadeed oo ka dhax taagan hay’addaha dowladda.

Amaanka magaalada Muqdisho siweyn loo adkeeyay oo waxaa jira ciidamo aad u hubeysan oo caawa la dhigay Isgoysyada muhiimka ah caasimada madaama maalinta Berri ah loo balansan yahay kulan ay yeelanayaan xildhibaannada Golaha Shacabka.

Waxaa burburay waan-waan kasta oo la doonayay in leysugu soo dhaweeyo dhinacyada iska soo horjeeda ee xildhibaannada Golaha Shacabka gaar ahaan waxaa fashil ku soo dhamaaday kulamo uu madaxweynuhu lahaa guddi ka socday guddoomiyaha Golaha Shacabka.

In Jawaari uu kursiga ka dego ayaa u baahan ugu yaraan la helo 184 xildhibaan oo ah tiro aad u badan marka la eego tirada guud xildhibaannada hadda ku sugan caasimada.

Kulanka loo balamay maalinta Berri ah oo noqonaya mid xasaasi ah ayeey dadku u wada dhag-taagayaan waxa ka soo bixin doona, lamana oga sida ay wax isku badali doonaan saacadaha soo socda iyadoo maanka lagu hayo in marar badan oo hore dib loo dhigay fadhiyo loo balansanaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]