4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 8 , 2018
Faah faahin ku saabsan diyaarad lacag siday oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho

 

Axad, April, 08, 2018 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyaarad siday sida la sheegay lacag fara badan u siday oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradan oo ka timid dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta la socdeen saraakiil ka tirsan Imaaraadka, waxaana saarnaa oo lagu qabtay sida ay xaqiijinayaan ilo xog-ogaal ah cadad lacageed oo dhan $ 9,600,000 ( Sagaal Milyan iyo Lix Boqol oo kun oo dollar )

Tuhunka ayaa yimid kaddib markii uu muran ka dhashay baaritaan diyaarada lagu sameyn lahaa oo ay is hortaageen diblomaasiyiin ka tirsan safaarada Imaaraadka oo ku sugnaa garoonka ku doodeen in ay leeyihiin xasaanad, sidaa daraadeed la baari karin waxa ay diyaaradu sido.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid Hiiraan Online u xaqiijisay halka ay lacagtan ku danbeysay iyo in ay la wareegeen laamaha Amniga dowladda iyo in kale marka laga soo tago oo kaliya in ay la qabtay.

 

Dhinaca kale Hiiraan Online ayaa heshay warqad qoraal ah oo ku saxiixnaa taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdiwali Jaamac Xusseen Gorod oo  looga codsanayo maamulka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde in loo ogolaado lacagtaa in ay garoonka kala soo baxaan maamulka iyo saraakiisha dugsiga tababarka Gordan lacagtaa oo loo isticmaalayo raashinka iyo mishaarka ciidamada xoogga dalka oo ay tababaraan Imaaraadka lacagtaasoo uga imaneysa degmada Boosaaso.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan lacagtan oo laga war hayay inay ka soo dageyso garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Lacagtan ayaa imaneysa xili dalku uu jiro jahwareer siyaasadeed oo ka dhashay mooshin laga keenay guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari, dhinaca kalana bilihii ugu danbeeyayba uu jiray shaki weyn oo soo kala dhaxgalay dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Imaaraadka oo ku eedeysan in ay gacan taageero siiso siyaasiyiinta ku kacsan dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]