4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 8 , 2018
Daar uu leeyahay madaxweyne Trump oo uu dab qabsaday

 

Axad, April, 08, 2018 (HOL) - Dhisme ganacsi oo uu madaxweyne Mareykanka Donald Trump ku leeyaha magaalada  New York  ayaa lagu waramayaa in uu dab qabsaday.

Inta la xaqiijinayo Hal ruux ayaa ku geeriyooday afar kalena dhaawacyo fudud ayaa ka soo gaaray sida ay sheegeen saraakiisha dab damiska.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhismahan u aheyd hoy iyo xafiis, hase ahaatee waxaa uu haatan ku sugan yahay magaalada Washington.

Dabka ayaa ka kacay dabaqa 50aad ee ugu sareeya, waxaana uu qabsaday guryo iyo xafiisyo.

Lama oga illaa iyo hada waxa sababay dabkan, waxaase warbaahinta Mareykanka iyo kuwa baraha bulshada ay aad u hadal hayaan dabkan ka kacay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]