4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 8 , 2018
Tirada xubnaha guddiga la socodka dib u eegista dastuurka oo la kordhiyay

 

Axad, April, 08, 2018 (HOL) - Guddiga la socodka dib u eegista dastuurka ayaa sheegay in la kordhiyay tirada uu guddiga ka kooban yahay, iyadoo markii u horeysay xubno ka socday maamul goboleedyada lagu soo daray.

Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid guddoomiyaha guddiga dib u eegista iyo la socodka arrimaha dastuurka ayaa sheegay in lix xubnood oo ka socda maamul goboleedyada ay ku soo biireen guddiga.

Waxaa uu sheegay in Guddiga markii hore uu ka koobnaa 10 xubnood oo kala ahaa min shan xubnood oo ka kala socday Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Guddiga oo markii hore uu ahaa 10 xubnood uu hada noqon doono 16 xubnood, isla markaana ay si wadajir ah ay uga wada shaqeyn doonaan arrimaha dib u eegista Dastuurka.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta hor-tagaya guddiga joogtada Aqalka Sare, si uu warbixin uga siiyo halka ay mareyso howsha dib u eegista Dastuurka.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia