4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 8 , 2018
Dadweynaha iyo gadiidleyda oo soo dhaweeyay ciidamada laga qaaday magaalada Muqdisho

 

Axad, April, 08, 2018 (HOL) - Iyadoo maalmihii aynu soo dhaafnay dadka iyo gaadiidleyduba dhibaato weyn ku qabeen xirnaashaha jidadka magaaalada Muqdisho ayaa waxaa soo ifbaxdaya yidiilo ay muujinayaan dadweynaha iyo gaadiidleyda intaba kaddib markii la qaaday ciidamadii ku sugnaa Isgoysyada magaalada Muqdisho dibna loo furay dhamaanba jidadkii u xirnaa Amaanka dartii.

Qaar ka mid ah darawallada gaadiidka dadweynaha oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin isbadalkan, sababtuna waxaa ay ku sheegeen in hadda magaalada oo dhan si isku mid ah uga shaqeysan karaan.

Arrintaan ayaa ku soo aaday xili magaalada Muqdisho gudaheeda laga saaray ciidamadii Xasilinta Muqdisho oo joogay muddooyinkaanba isgoysyada Muqdisho,  islamarkaana lagu badelay ciidamo boolis ah.

Waxaa la arkayaa meelaha qaar oo aysan ciidamo wax baara ku sugneen, iyadoo aan la ogeyn waxa sababay isbedalladan, loo maleynayo in loo sameeyay ciriiriga muddada dheer ay ku jirtay magaalada Muqdisho.

Shacabka Muqdisho ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay dhibaatooyin badan kala kulmayay xirnaanshaha wadooyinka magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]