4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 8 , 2018
Ciidamada xasilinta oo laga saaray fariisimihii ay ku lahaayeen bartamaha magaalada Muqdisho

 

Axad, April, 08, 2018 (HOL) -Waxaa guud ahaanba laga saaray fariisimihii ay ku lahaayeen bartamaha magaalada Muqdisho ciidamadii xasilinta ee bilihii ugu danbeeyayba ku sugnaa isgoysyada magaalada, waxaana badalaya ciidamada oo fariisimahoodii la wareegaya ciidamo Booliis ah.

Lama oga sababta keentay in laga raro ciidamada xasilinta oo isugu jirey ciidamo milatari ah iyo kuwo nabad-sugid ah goobo muhiim ah oo hore ay ugu sugnaayeen.

Ciidamada ayaa loo raray goobo kale oo ay ka mid yihiin Waddada Warshadaha iyo meelo kale, ilaa haddana ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hay’addaha amniga oo ku saabsan isbedelka ku yimid ciidamada.

Hasse yeeshee intii ay ciidamadan ka howlgalayeen magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhacay qaraxyo kala duwan iyadoo ciidamadana ay fadhiyeen goobo muhiim ah oo gaadiidka lagu baaro.

Qaraxyadii ugu dambeeyay oo maalin ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu bartilmaameedsaday labo Bar-koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada xasilinta.

Magaalada ayaa hadda ah mid isku furan oo ay dadka iyo gaadiidkuba si joogta ah u isticmaali karan, waxaana meesha ka baxaya xirnaashihii jidadka Muqdisho oo ay dadku dhibaato weyn ku qabeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]