4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 7 , 2018
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo tagay magaalada Jigjiga

 

Sabti, April, 07, 2018 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed ayaa booqashadiisii ugu horeysay ku tagey magaalada Jigjiga kadib markii uu la wareegay talada dalka Itoobiya.

Dr Abiy ayaa magaalada Jigjiga wadahadalo kula yeeshay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar.

Rai’sal wasaare Abiy oo ay weheliyaan madax ka socota dowladda federaalka ee Itoobiya ayaa sidoo kale lagu wadaa inay la kulmaan odoyaal dhaqameedyada Soomaalida, si ay uga wadahadlaan xasiloonida, amniga iyo sidii loo xalin lahaa isku dhacyada u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada.

Dr Abiy Ahmed ayaa dhawaan loo dhaariyay ra’iisul wasaaranimada dalka Itoobiya kaddib markii uu si kadis ah isu casilay Hailemariam Desalegn.

Ujeedada uu Abiy ugu hor maray Jigjiga safarkiisan uu ku tagay meel ka baxsan Addis Ababa ayaa lagu sheegay in uu u muujiyo Shacabka Soomaalida niyad wanaag, iyadoo la og-yahay in qalalaase dad badanni ku dhinteen uu dhaxmaray qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada uu ra’iisal wasaaruhu ka soo jeedo. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]