4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 7 , 2018
Guddoomiye Jawaari oo la kulmay safiirka Turkiga ee Soomaaliya

 

Sabti, April, 07, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa kulan la qaatay danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada wadan ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii dowladda u sii dardar gelin laheyd taageerada ay baarlamaanka Soomaaliya siiso.

Sidoo kale kulanka waxaa ku sugnaa mas’uuliyiinta hay’adda TIKA oo ah hay’ad dib u dhiska ku sameyneysa Xarunta ku meel gaarka ah ee Golaha Shacabka.

Waxay aheyd 10-kii bishii Maarso ee sanadkan markii heshiis ku saabsan dhismaha xarunta Golaha Shacabka  ay kala saxiixdeen guddoomiyaha Jawaari iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, waxaana dhismaha xarunta uu socon doonaa muddo hal sano ka yar.

Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay mar walba diyaar u tahay in ay sii xoojiso taageerada ay siineyso Soomaaliya.

Gudoomiyaha Golaha Sacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa uga mahad celiyay dowlada turkiga iyo hay’adda TIKA sida ay mar walba u garab taaganyihiin golaha shacabka gaar ahaan dhismaha hada ay ku sameynayaan xarunta golaha shacabka.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia