4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 7 , 2018
Dad xanuunka shuban biyoodka ugu geeriyooday Kismaayo



Sabti, April, 07, 2018 (HOL) –Afar qof oo laba kamid ah ay yihiin carruur ayaa u geeriyootay xanuunka shuban biyoodka ayadoo in ka badan 300 oo qof oo kale ay la il daranyihiin xanuunka, kuwaa oo xaaladahooda caafimaad lagula tacaalayo qaar kamid ah xarumaha caafimaadka magaalada Kismaayo.

Wasaaradda caafimaadka Jubbaland ayaa sheegtay in 377 qof oo uu soo ritay xanuunka shuban biyoodka ay jiifaan Isbitalka weyn ee Kismaayo iyo xarun lagu daryeelo hooyada iyo dhallaanka oo ay gacanta ku heeyso hay’adda badbaadada carruurta ee “Save the children” oo ku taal Kismaayo.

Dadkan ayay wasaaraddu sheegtay in 223 kamid ah ay yihiin carruur.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda caafimaadka Jubbaland Dr. Cali Nuur Axmed ayaa shabakadda HOL u sheegay in dadka uu soo ritay xanuunkan ay ka kala yimaadeen xaafadaha magaalada Kismaayo iyo qaar kamid ah degmooyinka iyo deegaannada gobollada J/hoose iyo J/dhexe.

Aalaaba bilaha ugu horeeya ee sanadka oo ah xilliyada kuleeylaha ee deegaanada Jubooyinka ayuu cudurku dilaacaa, ayadoo inta badan uu soo rito carruurta.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.