4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 6 , 2018
Qarax goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Jimco, , April, 06, 2018 (HOL) - Qarax loo maleynayo in uu ahaa Ismiidaamin ayaa goor dhaw dhacay KM4 gaar ahaan Koontaroolka ku dhaw xarunta shirkadda Sahal waddada gasha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho

Qaraxan oo nuuciisa lagu sheegay in loo adeegsaday gaari wax-yaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay Barta-Kontorool ee ciidamada nabad Sugidda ay ku leeyihiin halkaa.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa loo adeegsaday  NOAH oo uu kaxeynayay nin isa soo miidaamiyay.

Inta la xaqiijinayo qofkii ismiidaamiyaha ahaa ayaa ku geeriyooday, iyadoo sidoo kalana ay dhawacmeen labo askari oo ka tirsan ciidamadii ku sugnaa Koontaroolka.

Qaraxan ayaa lagu soo beegay xili inta badan dadku ay ku jireen Salaada Jicmaha, inta badanna goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa aheyd mid aysan dad badan ku sugneyn.

Lama oga khasaaraha ka dhashay Qaraxan oo siweyn dhawaqiisa looga maqlay inta badan magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]