4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 6 , 2018
Tartanka Orodka gaaban Mini Marathon oo lagu qabtay magaalada Muqdisho


Jimco, , April, 06, 2018 (HOL)-Tartanka orodka gaaban Mini Marathon oo ay ka qeybgaleen 500 oo Orod-yahay oo ka kala socday degmooyinka gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in taranka uu qeyb ka noqonayo munaasabada maalinta Nabada iyo Sportiga Aduunka oo sida ay hadalka u dhigtay noqonayo markii Labaad oo Muqdisho laga maamuuso tan iyo markii ay xilka la wareegeen.

Tartanka ayaa waxaa ka qeybgalay dhamaan Wasiirrada Cayaaraha dowlad gobolleedyada dalka, waxaana ay sheegtay Wasiirka in dalka oo dhan laga hergalin doono mashruuc lagu hormarinayo Sportiga dalka.

Orod-yahanka Soomaaliyeed Cabdi Bili Cabdi oo ka qeybgalay tartanka ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo in uu arko tartan oo noocan oo kale ah.

‘’Anniga oo caasimada Muqdisho in ka badan 30 sano ka maqnaa in aan maanta taaagannahay Daljirka Dahsoon farxad ayeey ii tahay, waxaan u mahad calinayaan fikirka wanaagsan iyo dadaalka wasaaradda cayaaraha galisay hormarinta Sportiga’’ ayuu yiri Cabdi Bile Cabdi.

Tartankan oo ka bailaabanayay KM4 ayaa ku soo gabagaboobay Daljirka Dahsoon, taa oo macnaheedu noqonayo in dhalinyaradan ordayeen 4km, iyadoo uu kaalinta koowaad uu galay Nin dhalinyarro ah oo lagu magacaabo Cali Iidoow kaa oo la guddoonsiiyay bilid Dahab ah halka kaalinta Labaad iyo saddexaad dhalinyarradii gashay la kala guddoon siiyay balado Qalin iyo Maar ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]