Jidadka Muqdisho oo maalintii saddexaad xiran iyo shacabka oo arintaa dhibaato weyn ku qaba
Jimco, , April, 06, 2018 (HOL)–Waxaa maalintii saddexaad xiran inta badan jidadka halbowlaha u ah isku
socodka dadka iyo gadiidka magaalada Muqdisho.
Maalintii shalay oo Khamiis aheyd iyo
maalintii Arbacada ka horeysay ayeey ciidamada ammaanka dowladda Federaalka
waxaa ay xireen wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho.
Maanta oo Jimco ah mar kale waxaa xiran wadooyinka ugu muhiimsan magaalada
Muqdisho, waxaana ujeedka lagu sheegay in wadada Maka Al-mukarama lagu qabanayo
Tartanka Orodka gaaban (Mini Marathon).
Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo qaban qaabiyay Tartankan oo lagu qabanayo
wadada xiriirisa KM4 ilaa Garoonka Banaadir Stadium.
Ciidamada ammaanka ayaa xalay saq dhexe xiray wadada Maka Al-mukarama,
waxaana loo diidayaa in ay maraan gaadiidka dadweynaha iyo Mootada Bajaajta,
xitaa shacabka ayaa mararka aanan loo ogolaaneyn in ay lugtooda u maraan.
Sidoo kale waxaa xiran qeybo badan oo ka tirsan wadada Wadnaha ee magaalada
Muqdisho, gaadiidka dadweynaha ayaanan isaga kala gudbi karin isgoysyada
wadadaasi, waxaana shacabka ay sheegeen in arrintan ay tahay dhibaato soo
korortay.
Shacabka magaalada Muqdisho ayaa dhibaato xoog leh ku qaba xirnaasha jidadka magaalada iyo isticmaal la'aan gadiidka, waxaadna arkeysaa bulshada qeybaheeda kala duwan oo lugeyna.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]