4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 6 , 2018
Wararkii ugu danbeeyay xiisada mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Golaha Shacabka

 

Jimco, April, 06, 2018 (HOL) – Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka saacadihii ugu danbeeyay soo baxay oo sheegaya in guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari qorsheynayo in uu is casilo.

Haddaba waxaa arintaa ku gacan seyray xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo sheegay in marnaba guddoomiyaha qorshihiisu aheyn in uu is casilo, laakiin aamisan yahay in sharciga lagu kalo baxo.

Sidoo kale xafiiska guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa laga beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegaya in guddoomiye Jawaari is casilayo.

Wali waxaa taagan xiisada siyaasadeed ee ka abuurantay mooshinka laga keenay guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyadoo Arbacadii aynu soo dhaafnay uu fashilmay kulan la filayay in ay yeeshaan xildhibaannada oo looga doodi lahaa mooshinka.

Taliska ciidamada militariga Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay qaar ka mid ah ciidamada guddoomiye Jawaari oo ay ku eedeeyeen in ay ku lug lahaayeen shaqaaqadii Baarlamaanka iyo iska hortaagii lagu sameeyay kulanka xildhibaannada Golaha Shacabka Arbacadii ina dhaaftay.

Lama oga halka looga dhaqaaqayo is mari-waaga wali taagan oo aad moodo in uu gaaray heerkiisii ugu sareeyay siweynna uga kala qeybsameen xildhibaannada Golaha Shacabka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]