4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2018
Dagaal u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda oo ka socda magaalada Muqdisho

 

Khamiis, April, 05, 2018 (HOL) – Wararka xiligan naga soo gaaraya degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in iska horimaad xoog leh oo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda uu ka soconayo Agagaarka Haanta dheer iyo Xero 77 ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ku sugan halka ay dirirtu ka socto ayaa Hiiraan Online u sheegay in la maqlayo rasaas culus oo ay is weydaarsanayaan dhinacyada iska soo horjeeda.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya labo dhinac oo ka wada tirsan ciidamada dowladda, kuwaasoo ku muransan dhulal halkaas ku yaalla oo lakala xooggay.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii sidan oo kale ay ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dagaalameen aaggaas.

Dagaalka ayaa imanay iyadoo xiisada siyaasadeed ee ka jirta magaalada Muqdisho uu cirka isku shareeray, waxaana maalmihii la soo dhaafay soo galayay magaalada ciidamo fara badan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]