4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2018
Laba wiil oo reer Hargeysa ah oo lagu afduubay magaalada Garoowe

 

Khamiis, April, 05, 2018 (HOL) - Laba Wiil oo dhallinyaro ah oo Garoowe u tagay Baasabooro ayaa la sheegay inay ku afduuban yihiin magaaladaasi ka dib markii koox deegaanka ahi u qabsadeen labadaasi wiil in loo soo daayo nin ku xidhan xabsiga Burco ee gobolka Togdheer.

Labadan wiil ayaa magacyadoodda la kala yidhaahdaa Cabdiqaadir Axmed Guuleed iyo Xamse Tima Cade waxaanay magaaladda Garoowe u tageen sidii ay usoo qaadan lahaayeen Passpoorka Soomaaliya, haseyeeshee hoteelkii ay ku jireen waxa kala baxay koox deegaanka ah oo siideynta labadaasi wiil ku xidhay shuruud ah in loo siidaayo nin ku xidhan magaaladda Burco oo loo haysto kufsi uu ku sameeyey xaaskii uu qabay inan ay dhashay, kuwaas oo markii hore ka yimid Gaalkacyo, haseyeeshee Burco ugu geeriyootay kufsigii soo gaadhay maadaama oo gabadh aad u yar ahayd.

Hooyo Sahra Iimaan Siciid waxay dhashay mid ka mid ah labadan wiil ee ku afduuban magaaladda Garoowe, waxaanay ka warbixisay qaabkii loo kaxaystay iyo shuruudda lagu xidhay siideyntooda.

“wiilkayga iyo wiilkan kale waxay Hargeysa ka baxeen jimcihii hore waxaanay Garoowe u tageen inay Paaspooro ka soo samaystaan, haseyeeshee koox deegaanka ayaa afduubatay waanay nala soo hadal siiyeen, waxaanay yidhaahdeen labadan wiil waxaanu u haysana Nin ku xidhan xabsiga Burco oo dawladda Somaliland haysato, waxaanay sheegen marka ninkaasi la soo daayo uun baanu siidaynaynaa, anaguna awood aanu kula kulano dawladda ma nihin, waxaan ka codsanaynaa inay noo siidaayaan caruurtaasi”ayey tidhi hooyo Sahra Iimaan.

 

Hooyo Sahra Iimaan waxay sheegtay in dadkan afduubtay laban wiil ay doonayan nin la sheegay inuu Kaalkacyo ka yimid oo gabadh yar oo ay xaaskiisu nin kale u dhashay uu kufsada ka dibna Cisbitaalka Burco loo keenay inay gabadhaasi lagu daweeyo haseyeeshee kufsigii soo gaadhay u geeriyootay.

Waalidkan dhalay labadan wiil ee afduubay waxay maamulka Puntland iyo dadkan caruurtooda u afduuban yihiin ka codsanayaan in caruurtooda loo siidaayo.

Waa markii ugu horeysay ee dhallinyaro Hargeysa ka tagay lagu afduubo deegaanada Puntland.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.