4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2018
Jubbaland: Baarlamanka Qiil uma noqon doonto cid ayaa na faragelisay



Khamiis, April, 05, 2018 (HOL)–Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Max’uud Sayid Aadan oo xalay khudbad ka jeediyay munaasbad lagu xusayay 5 sano guuradii kasoo wareegtay aasaaskii Jubbaland  ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhexgalay baarlamanka dowaldda Soomaaliya.

Waxa uu xusay in hogaanka baarlamanka laga doonayo in ay ilaaliyaan dhaartii ay mareen oo ay wada fariistaan, isuna soo dhaweeyaan mudaneyaasha baarlamanka ee labada garab kala noqday.

Waxa uu xusay in baarlamanku ay ku jiraan xildhibaanno xog ogaal u ah dhibaatooyin lasoo maray iyo marxalidihii adkaa ee laga soo gudbay, ayna tahay in ay ka faa’iideeystaan khibradooda oo ay dajiyaan xaaladda.

“Qiil idiinma noqon doonto Madaxweynaha ayaa na farageliyay iyo Raysul wasaaraha ayaa na farageliyay, haddii masuuliyad xumo halkaa ka timaado cidna eedda ma saari doontaan” ayuu Madaxweyne kuxigeenku hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu xusay in muranka jira uusan ahayn mid u baahan ciiddan ama awoodo kale in la isticmaalo, xeerka baarlamankuna yahay in cod dheeri lagu kala baxo.
Waxa uu intaa ku daray  “Ciidan iyo xoog iyo cid sharciga ka tallaabsatay midna wax ma qaban karto”

Baarlamanka Soomaaliya ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxa hareeyay khilaaf ka dhashay Mooshin laga keenay gudoomiyaha baarlamanka Mudane Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari, kaa oo sababay in baarlamanku laba garab u kala jabaan, kuwa kazoo horjeeda gudoomiyaha iyo qaar kale oo difaacaya, waxaana shalay fashilmay kulan la filayay in arrintaasi uu baarlamanka uga doodo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.