Arbaco, April,
05, 2018 (HOL) –Waxaa wali xiran Wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho Soomaaliya, waxaana jira ciriiri ka dhashay
wadooyinkan xiran.
Ciidamada Ammaanka dowladda federaalka ayaa
shalay xiray wadooyinka magaalada Muqdisho, maadaama uu jiray kulan xasaasi ah
oo xildhibaanada Baarlamaanka ay laba ugu qeybsanaayeen, balse kulanka markii
dambe uu baaqday.
Isgoysyo ku yaalla wadada Wadnaha ee magaalada
Muqdisho ayaa saakay mar kale xiran, waxaana ka mid ah Isgoysyada Tarbuunka,
KPP, iyo kuwo kale, ciidamada ammaanka ayaana ku sugan wadooyinkan.
“ Hadaan nahay shacabka Soomaaliyeed dhibaato ayaan ku qabnaa xirnaanshaha
wadooyinka, shalay waala gartay, laakiin maanta ma naqaano, annaga nolol
maalmeedkeena ayaan ka raadsanaa magaalada” ayuu mid ka mid ah darawada
gadiidka BL.
Dowladda Soomaaliya ayaa illaa hadda keeni la’ Qorshe
shacabka loogu furayo wadooyinka xiran, iyadoo qorshaha kaliya ay keentay
dowladda uu yahay wadooyinkii furnaa oo la sii xirayo.
Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia