4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2018
Australia oo Soomaaliya ka saartay dalalka ay dadkooda dib u dejinta u sameyneyso

 

Khamiis, April, 05, 2018 (HOL) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Australia ayaa waxa ay sheegtay wadamada Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed iyo Iran in ay ka saartay Liiska waddamada ka faa’ideysan kara mashruuca Bani’aadamnimo ee dadka soo galootiga ah ee ay dib u dejinta u sameeyaan.

Australia oo aanan shaacin sababta rasmiga ah ee ay falkan u sameysay ayaa dadka ka soo jeeda Saddexdan dal ee codsiyada diyaarsaday waxaa loo sheegay in aysan suuragal aheyn in xilligan la qaabilo, oo waqti uusan ka lumin.

Afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Gudaha Australia “go’aankan wuxuu ka soo baxay dowladda, dalalka Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed iyo Iran dadka ka soo jeeda ayaan ka saarnay liiska dadka ka faa’ideysan barnaamijka dib u dejinta, mar walba waxaan ku shaqeynaa sharci iyo nidaam.”

Hay’addaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa aad u cambaareeyay falkan ay gaartay xukuumadda Australia, waxayna tilmaameen in arrinkan uu yahay mid midab takoor ah oo aanan loo baahneyn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]