4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 4 , 2018
Jawaari oo beeniyay in uu maanta is hortaagay kulankii ay yeelan lahaaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka

 

Arbaco, April, 04, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in ciidamo isaga taabacsan maanta xoog kula wareegeen xarunta Golaha Shacabka.

“Waxaan idin weydiinayaa 11 askari oo dhar cad ah meel lagu qabsan karaa, Jawaari ayaa qabsaday Xarunta Golaha Shacabka waxay la mid tahay, madaxweynaha ayaa qabsaday Villa Soomaalia, maxaa yeelay xarunta Golaha Shacabka Anigaa ka taliya” ayuu yiri Jawaari oo intaas ku daray in wararka sheegaya in uu qabsaday xarunta Baarlamanka ay yihiin kuwo ay faafiyeen xildhibaanada isaga horjeeda.

Jawaari oo soo hadal qaaday eedeyn uga timid taliyayaasha ciidamada ayaa sheegay in taliyeyaasha uu saaran yahay culeys kaga imanaya Xukuumada, ayna mudan yihiin in loo dulqaato, wuxuuna xusay in uu dhowr jeer kala hadlay iney arimaha siyaasada faraha kala baxaan.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad C/wali Muudeey iyo xildhibaano badan ayaa ku eedeeyey gudoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa labaad Mahad Cawad in ay maanta xoog kula wareegeen xarunta Golaha Shacabka islamarkaana ay tahay in tallaabo laga qaado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]