Taariiikhdii Fanaanadii weynayd ee Sahra Axmed Jaamac oo tiirarka fanka Soomaalidda ahayd
Arbaco, April, 04, 2018 (HOL) – Alla ha u
naxariisto Fanaanadda caanka ah ee Sahra Axmed Jaamac oo fanka ku jirtay
nusqarni kana mid ahayd foolaadka fanka iyo dhaqanka umadda Soomaaliyeed, ayaa
maanta ku geeriyooday magaaladda Hargeysa.
Marxuumad Sahra Axmed waxay maalmihii u dambaysay
ku xanuunsanaysay cisbitaalka magaaladda Hargeysa, iyadoo xaaladeeda caafimaad
lagula tacaalayey, haseyeeshee waxa maanta timid xaqeedii aanu qofna dhaafi
karin.
Sahra Axmed Jaamac oo ka mid ahayd tiirarka
waaweyn ee Fanka Soomaaliyeed waxay ka mid ahayd fanaaniinta ugu heesaha badan
fanaaniinta Soomaaliyeed,isla markaana heeso la wadaagtay ama la qaatay inta
badan ragga fanaaniinta ah ee waaweyn, waxaanay ahayd qof cod tolmoon oo sida
loo hela yar tahay.
Marxuumad Sahra Axmed Jaamac waxay dhalatay sanad
ku beegan 1956-dii, waxaanay ku dhallatay gobolka Togdheer, waxaana fanka ku
soo biirtay hilaadii 1969-kii iyadoo wakhtigaasi la sheegay inay da’deedu ahayd
13 jir sida ay sheegeen dadkii ay ku walaaloobeen fanka Soomaalidda.
Sahra Axmed Jaamac riwaayadihii ugu horeeyey ee
ay ka qaybqaatay xidigtana ku noqotay waxa ka mid ahaa iwaayad uu curinteeda
lahaa Abwaan Cali Sugule (Dun-carbeed) oo inta badan magaalooyinka waaweyn ee
Soomaalida ka dhigeen. Waxa kale oo ka mid ah riwaayadaha ay Agtarada ka
noqotay riwaayadii ‘Garashaa Garab Wayday oo uu uu sameeyey Abwaan Axmed
Saleebaan Bidde.
Marxuumad Sahra Axmed Jaamac heesteedii ugu
horeysay waxay ahayd ee ay masrax la soo fuushay “MA II BAAQDAY” oo ay markii
danbe wada qaadeen Maxmed Aadan Dacar iyo Hibo nuura.
Sahra Axmed waxa ay ku caanbaxday oo dad
badani u yaqaaneen magaca ah quruxda fanka soomaaliyeed, iyadoo ahayd
fanaanadii ugu da’da yarayd ee ku biirta waaberi hadana waxa ay ahayd xidig ka
dhex ifaysa Waaberi tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Somalia. Burburkii
dawladdii dhexe ee Soomaaliya waxay riwaayado badan Sahra ay ku dib ugu dhigtay
dalka Jabuuti, iyadoo markii danbana dhinacaa iyo qurbaha u kicitintay,
halkaasi oo in muddo ah ay ku noolayd.
Sahra Axmed Jaamac heesaha badan ee ay qaado kuwo
ugu saameynta badan ama loogu jecel yahay waxa kamid ah kuwan hoos ku qoran:
. Suul dhabaale Sahro Axmed vs Cabdiraxmaan
dheere, Qooraansi eegmadu. Sahro Axmed iyo Axmed Mooge, Goormeynu
darisnaa oo ay wada qaadaab Sahro Axmed iyo Muuse ismaaciil Qalinle,
Wadaryahay oo ay ku wada luuqeeyaan Sahra Axmed iyo Cabdi Cali
Bacalwaan, heesta Beerqaad oo ay wada qaadaan Sahra Axmed iyo Maxamed
Axmed Dhabarlow, heesta Nabsi oo ay wada qaadaan Sahra Axmed iyo Maxamed Yuusuf
Cabdi, heesta Faraskaagii laga badi oo ay wadaagaan Sahra Axmed iyo Bacalwaan,
heesta kale ee Haatuf oo ay wada qaadaan Sahra Axmed iyo Xasan Aadan Samatar,
heesta kale ee Shini oo ay ku wada luuqeeyaan Sahra iyo Axmed Mooge. Barasho oo
ay wada qaadaan Sahra iyo Bacal waan, gacantaada midig Sahra iyo Aadan Hure,
Ima Baran oo ay wada qaadaan Sahra Axmed iyo Maxamed Yusuf.
Sahra Axmed Jaamac oo ahayd waayeelka Fanka
iyo hiraalka fanka Soomaaliyeed ee lagu daydo, waxay iska kaga tagtay 11 Caruur
ah, waxaanay ka mid tahay fanaaniinta ugu caruurta badan.
Dhinaca kale, waxa tacsi u diray madaxweynaha Somaliland
Muuse Biixi Cabdi oo ka tacsiyadeeyey bahda fanka iyo suugaanta.
“anigoo ku hadlaya magacayga, ka dawladda iyo ka
shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Bahda Fanka iyo Suugaanta,
waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo
shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Fannaanadii caanka
ahayd Marxuumad Sahra Axmed Jaamac oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu
tahay 04/04/2018, magaalada Hargeysa.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay
xafiiska madaxweynaha.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumada ku sifeeyey hooyo
ka baxday bahda fanka iyo suugaanta, magac iyo sumcadna ku lahayd bulshada ku
hadasha afka Soomaaliga meel ay joogaanba, marxuumadu waxay fanka ku soo
biirtay, 1969kii.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumada Alle uga baryayaa
inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Bahda Fanka iyo Suugaanta, waxgaradka,
waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga
Somaliland ee ay ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.