3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 4 , 2018
Maxaa ka socda gudaha xarunta Golaha Shacabka

 

Arbaco, Maarso, 04, 2018 (HOL) -Durbaba waxaa la maqlayaa buuq iyo sawaxan ay sameynayaan xildhibaannada iska soo horjeeda ee ku wada sugan xarunta Golaha Shacabka, kuwaa oo ku dhawaaqaya qaarkood erayo ay ku durayaan madaxda ugu sareysa dalka.

Xildhibaannada qaar ayaa ku qeylinaya erayo ka mid yihiin, Laaluusho ha dhaco, Jawaari guul iyo Erayo kale uu muuqda in durbaba fadhiga Golaha uu isku badaley buuq iyo fowdo.

Gudaha xarunta Golaha Shacabka waxaa ku sugan ciidamo Booliis ah oo ilaalinaya nabad-galyada, laakiin aan wax saameyn ah ku laheyn marka la eego is heysiga xildhibaannada dhaxdooda ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa ku-xigeen ayaa tagay halkaa, iyadoo dhibaatada ugu weyn ay ka taagan tahay cida shir guddoomin doonta fadhiga.

Xildhibaannada qaar ayaa ku eedeynaya guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Jawaari in uu gudaha la soo galay ciidamo aad u hubeysan. 

Wariyayaasha ayaa dhamaan ku sugan ilinka hore ee xarunta Golaha Shacabka Hiiraan Online ayaa ka mid ah warbaahinta halkaa ku joogta in ay soo tabiso kulanka iyo waxa ka soo bixin doona.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/4/2018 12:59 PM EST
Arbaco, April, 04, 2018 (HOL)- Warar naga soo gaaraya Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu halkaa goor dhaw oo caawa ah ka dhacay Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac.

4/4/2018 12:45 PM EST
Arbaco, April, 04, 2018 (HOL)–Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in ciidamo isaga taabacsan maanta xoog kula wareegeen xarunta Golaha Shacabka.

4/4/2018 12:35 PM EST
Arbaco, April, 04, 2018 (HOL)–Hal qof ayaa dhintay shan kalena waa ku dhaawacmeen degaanka Fadhi-gaab oo u dhexaysa Ceel-afweyn iyo Gar-adag oo dhaca galbeedka gobolka Sanaag, kadib markii dabley beeleed iskaga horyimaadeen.

4/4/2018 9:14 AM EST
Arbaco, April, 04, 2018 (HOL) –Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudeey oo goor dhaw uu maanta la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ku-xigeenkiisa in ay ku tunteen sharciga, sidaa daraadeed ay tahay in tallaabo laga qaado.

4/4/2018 8:36 AM EST
Arbaco, April, 04, 2018 (HOL) – Alla ha u naxariisto Fanaanadda caanka ah ee Sahra Axmed Jaamac oo fanka ku jirtay nusqarni kana mid ahayd foolaadka fanka iyo dhaqanka umadda Soomaaliyeed, ayaa maanta ku geeriyooday magaaladda Hargeysa.

4/4/2018 7:58 AM EST
Arbaco, April, 04, 2018 (HOL)–Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM oo ku soo baxay xiisada Baarlamaanka ayaa lagu waramayaa in ay xarunta Golaha Shacabka ka kaxeeyeen guddoomiye Jawaari iyo ku-xigeenkiisa labaad.

4/4/2018 6:26 AM EST
Arbaco, April, 04, 2018 (HOL)-Iyadoo ay muuqato maanta in uusan dhicin fadhiggii lagu ballasanaa xarunta Golaha Shacabka ee Mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Baarlamaanka, ayaa dhinaca kale waxaa soconaya kulamo gooni gooni ah oo ay Muqdisho ku leeyihiin xildhibaannada iska soo horjeeda.

4/4/2018 4:33 AM EST
Arbaco, April, 04, 2018 (HOL) –Waxaa Allaha U naxariistee goor dhow geeriyootay Fanaanadii Sahra Axmed Jaamac oo maalmihii dambe ku xanuun saneyd magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland.

4/4/2018 4:14 AM EST
Arbaco, April, 04, 2018 (HOL)-Wali waxaa ka jirta xarunta Golaha Shacabka xaalad cakirnaan ah oo maanta lagu waday xildhibaannadu ku yeeshaan kulan ka dhan ah mooshinka guddoomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

4/4/2018 1:42 AM EST
Arbaco, April, 04, 2018 (HOL)- (HOL)-Xarunta Golaha Shacabka waxaa wali ku sii qulqulaya xildhibaanno kala aragti duwan oo dhinac walba oo ka mid ah uu halkaa la tagi doono Ajande u gaar ah, waxaana ilaa iyo hadda xarunta gaaray tiro ka badan 100 xildhibaan.

4/4/2018 12:56 AM EST
Arbaco, April, 04, 2018 (HOL)- Booliska gobolka California ayaa xaqiijiyay dhawaaca saddex ruux kadib marki haweeney ku hubeysneyd bistoolad ay rasaas ku furtay dad ku sugnaa Xarunta ugu weyn Website-ka laga daawado muuqaalada ee Yutube ee ku taalla magaalada San Francisco.

4/4/2018 12:49 AM EST
Arbaco, April, 04, 2018 (HOL)-Magaalada Muqdisho ayaa ku sugan saakay marxalad ka duwan sidii ay aheyd labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaana la oran karaa Muqdisho waxaa ay ku waabariistay dareen siyaasadeed iyo shaki bulshadu ka qabaan kulanka xildhibaannada Golaha Shacabka oo waqtigan soconaya.

4/4/2018 12:28 AM EST
Arbaco, April, 04, 2018 (HOL)-Amaanka magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyay laga soo bilaabo xalay waxaana xiran dhamaanba jidadka halbowlaha u ah isku socodka dadka iyo gadiidka oo la dhigay ciidamo ku hubeysan gadiidka dagaalka.

4/4/2018 12:14 AM EST
Arbaco, April, 04, 2018 (HOL)-Hay’addaha Nabad-galyada dowladda federaalka ayaa war Qoraal ah oo ka soo baxay ugu baaqay xildhibaannada Golaha Shacabka in ay ciidamada kala shaqeeyaan sugida Amniga.