4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 4 , 2018
In ka badan 100 xildhibaan oo subaxnimadii hore ee saakay xaadiray xarunta Golaha Shacabka

 

Arbaco, April, 04, 2018 (HOL)- Xarunta Golaha Shacabka waxaa wali ku sii qulqulaya xildhibaanno kala aragti duwan oo dhinac walba oo ka mid ah uu halkaa la tagi doono Ajande u gaar ah, waxaana ilaa iyo hadda xarunta gaaray tiro ka badan 100 xildhibaan.

Xildhibaan Cabdi Cali Xassan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay xarunta Golaha Shacabka ku sugan yihiin tiro ka badan 100 xildhibaan, halka qaar kale wali jidka ku soo jiraan.

Xildhibaan Xildhibaan Cabdi Cali ayaa yiri “Xildhibaanada waa ay joogaan xarunta Golaha Shacabka waxaa ay tiradooda gaareysaa illaa 120 Xildhibaan, kuwa kalena waa ay soo socdaan saacadaha soo socda kulanka Baarlamaanka wuu furmayaa, Ajandahana sidii horay loo sheegay codka kalsoonida ayaa loo qaadayaa Gudoomiye Jawaari.”

Sida laga bartay kulamadii Baarlamaannadii kan ka horeeyay marka ay sidan oo kale xildhibaannadu ugu kala aragti-duwanaadaan Ajandaha fadhiga, dhinacna suurtagal uma aheyn in uu si waafi ah uga dooddo Ajandihiisa, taasoo ka dhigan in marka danbe kulamadu isaga soo dhamaan jireen fowdo iyo natiijo la’aan.

Dadka badan ayaa is weydiinaya sida ay ku suurtagali karto in dhinacyada iska soo horjeeda ee xiligan ku wada sugan xarunta Golaha Shacabka u yeelan karaan kulan ku dhisan is maqal iyo degenaan mar haddiiba lagu kala aragti duwan yahay Ajandaha ay tahay in laga dooddo maanta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]