4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 4 , 2018
Haweeney weerartay xarunta Youtube ee Mareykanka

 

Arbaco, April, 04, 2018 (HOL)- Booliska gobolka California ayaa xaqiijiyay dhawaaca saddex ruux kadib marki haweeney ku hubeysneyd bistoolad ay rasaas ku furtay dad ku sugnaa Xarunta ugu weyn Website-ka laga daawado muuqaalada ee Yutube ee ku taalla magaalada San Francisco.

Haweeneydan oo aanay wali Booliska shaacin magaceeda ayaa marki danbe is dishay kaddib markii ay weerarka geystay.

Afhayeen u hadlay booliska magaalada San Fransisco ayaa sheegay in laba dumar ah oo ay ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladoodu wanaagsantahay, balse uu xaalad khatar ah ku suganyahay nin la rumey-sanyahay in uu saaxib la ahaa haweeneyda weerartay xarunta Yutube.

Booliska wali ma aysan shaacin magacyada dadka dhaawacmay iyo qofka weerarka geystay intaba.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warramay in sababta ka danbeysa dhacdadani ay u badantahay arrimo dhinaca qoyska ah.

Xigasho VOA

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]