4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 4 , 2018
Amaanka Muqdisho oo siweyn loo adkeeyay iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta shiraya

 

Arbaco, April, 04, 2018 (HOL)-Amaanka magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyay laga soo bilaabo xalay waxaana xiran dhamaanba jidadka halbowlaha u ah isku socodka dadka iyo gadiidka oo la dhigay ciidamo ku hubeysan gadiidka dagaalka.

Xirnaashaha caasimada ayaa imaneysa xili maanta lagu waddo in kulan xasaasi ah xarunta Golaha Shacabka ku yeeshaan xildhibaannada Baarlamaanka kuwaa oo siweyn ugu kala aragti duwan Ajandaha kulanka maanta.

Xildhibaannada qaar ayaa qaba ayaa qaba in Ajandaha saakay uu noqonayo ka dooddista mooshinka guddoomiyaha Golaha Shacabka, halkaa dhinaca kale xildhibaannada taaageersan guddoomiyaha ay halkaa u tagayaan in Baarlamaanku dood ka yeesho xiisada Beled-Xaawo.

Markii ugu horeysay kaddib salaadii subax ee saakay ayaa xarunta Golaha Shacabka lagu arkay xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo halkaa sii xadiray, taasoo muujineysa in kulanka maanta uu dhacayo, iyadoo dadka ay siweyn wadnaha farta uga hayaan waxa ka soo bixin kara xildhibaannada ku kala aragti duwan Ajandaha fadhiga Golaha.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]