4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 4 , 2018
Hay’addaha nabad-galyada oo ka dalbaday xildhibaannada in ay Amniga kala shaqeeyaan

 

Arbaco, April, 04, 2018 (HOL)- Hay’addaha Nabad-galyada dowladda federaalka ayaa war Qoraal ah oo ka soo baxay ugu baaqay xildhibaannada Golaha Shacabka in ay ciidamada kala shaqeeyaan sugida Amniga.

Baaqan ayaa ka dambeeyay, markii ay soo baxday Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ciidamo fara badan u yimaadeen, islamarkaana qaar ka mid ah xildhibaanada la arkay iyagoo ay ilaalinayaan ciidamo fara badan.

Waxaa jira baqdin laga qabo in xildhibaannada qaarkood la tagaan xarunta Golaha Shacabka ciidamo ilaalo u ah,  taasoo hay'addaha Amniga doonayaan in ay ka hortagaan.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]