4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 30, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Beledweyne

 


Isniin, April, 30, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo goor dhaw gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dhawaan ay ku dhufatay fatahaad ka dhalatay Wabiga Shabeelle iyo Roobab xoog leh oo ka da’ay gobolka iyo deegaannada ku dhaw dhaw.

Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo todobaadyadii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada, maamulka gobolka Hiiraan iyo waxgaradka magaalada.

Madaxweynaha ayaa la kulmay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif isaga oo sidoo kalana booqday deegaanka Ceeljaalle oo ay ku barakaceen in ka badan 150,000 oo ruux ka carraray fatahaada magaalada Beledweyne

Madaxweynaha ayaa ku guurgalay xaalada fatahaada iyo sida ay u sameysay guud ahaanba magaalada oo 90% kiiba dadkii degenaa ka barakaceen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]