4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 30, 2018
Doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo bilaabatay iyo musharax ku dhawaaqay in uu tanaasulay

 

Isniin, April, 30, 2018 (HOL) – Xarunta Golaha Shacabka waxaa goor dhaw ka bilaabatay doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka kaddib markii 9 bisha April uu xilka ka degay guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa xaadir ah 264 Xildhibaan waxaana shir gudoominaya gudoomiye ku-xigeenka koobaad ee Golaha Shacabka oo sidoo kala ah sii hayaha xilka gudoomiyaha.

Musharaxiinta Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa saacadihii la soo dhaafay waday olole xoogan, waxaana musharaxiinta qaar yihiin kuwa ugu cad cad ee laga yaabo in kursigan ku soo baxaan.

Dhinaca kale waxaa ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay doorashada musharax Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo sheegay in uu booska u banneeyay sida uu hadalka u dhigay musharixiinta kale, madaama uu horay u soo noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka.

''Waxaan ka raali galinayaa xildhibaannada saaxiibadey ah go'aanka aan qaatay ee ah in aan ka tanaasulay musharaxnimadii qabashada xilka guddoonka Golaha Shacabka'' ayuu yiri Aadan Madoobe.

Doorashada ayaa laga yaabaa in lagu kala bixi waayo wareega koobaad loona gudbo wareeg labaad ama mid sadexaad hadii musharaxiinta qaar ay tanaasul sameyn waayaan ama musharax uu waayo cod ku filan wareega koobaad ama labaad.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]