3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 30, 2018
Amaanka xarunta Golaha Shacabka oo siweyn loo adkeeyay

 

Isniin, April, 30, 2018 (HOL) – Waxaa siweyn loo adkeeyay amaanka xarunta Golaha Shacabka, maadaama maanta oo Isniin ah ay dhaceyso doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Ciidamada Booliska Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa xiray wadoyinka ku dhaw dhaw xarunta Golaha Shacabka, waxaana halkaasi loo diidayaa in ay maraan mootooyinka Bajaajta iyo gaadiidka dadweynaha.

Gaadiidka ay wataan masuuliyiinta dowladda ee maraya agagaarka xarunta Golaha Shacabka ayaa laftirkooda la hubinayaa si looga hortago falal ka baxsan amniga inta ay socoto doorashada.

Saraakiil ka tirsan Hay’adaha nabad-galyada ayaa sheegay in xalay saq dhexe ay ciidamo dheeraad ah geeyeen aagga xarunta Golaha Shacabka, kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya sugidda ammaanka.

Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa u tartamaya ilaa 11 Musharax, waxaana Hotelada magaalada Muqdisho ka socday kulamo gaar gaar ah oo looga arinsanayo doorashada maanta dhaceysa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 













Click here
4/30/2018 12:18 PM EST
Isniin, April, 30, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

4/30/2018 10:00 AM EST
Isniin, April, 30, 2018 (HOL)– Doorasho xiiso badan oo xildhibaannadu labo wareeg oo codeyn ah mareen ayaa ugu danbeyntii waxaa ku guuleystay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo horay u ahaa Wasiirkii gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya.

4/30/2018 7:58 AM EST
Isniin, April, 30, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo goor dhaw gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dhawaan ay ku dhufatay fatahaad ka dhalatay Wabiga Shabeelle iyo Roobab xoog leh oo ka da’ay gobolka iyo deegaannada ku dhaw dhaw.

4/30/2018 7:38 AM EST
Isniin, April, 30, 2018 (HOL)–Waxaa soo dhamaatay wareegii koowaad ee doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay ku tartameen ilaa 10 musharax oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

4/30/2018 4:52 AM EST
Isniin, April, 30, 2018 (HOL)–Xarunta Golaha Shacabka waxaa goor dhaw ka bilaabatay doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka kaddib markii 9 bisha April uu xilka ka degay guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

4/30/2018 4:04 AM EST
Isniin, April, 30, 2018 (HOL)–Ilaa 21 ruux ayaa lagu aramayaa in ay ku geeriyoodeen weerar Ismiidaamin ah oo goor dhaw ka dhacay magaalada Kapul ee dalka Afgahistan, waxaana dadka dhintay ka mid ah Afar Wariye ah.

4/30/2018 2:46 AM EST
Isniin, April, 30, 2018 (HOL)-Xarunta Golaha Shacabka waxaa ka socta qabanqaabo loogu jiro doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay u sharaxan ilaa 11 xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka.

4/30/2018 2:26 AM EST
Isniin, April, 30, 2018 (HOL)-Saraakiisha ciidamada dowlad gobolleedka Puntland ayaa sheegay in ay isku soo dhiibeyn ciidamo militarii ah oo ka soo goystay Soomaaliland.

4/30/2018 12:07 AM EST
Isniin, April, 30, 2018 (HOL)–Waxaa lagu wadaa maanta oo Isniin ah in magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka oo ay u tartamayaan ilaa 11 Musharax.