4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 3 , 2018
Qarax goor dhaw ka dhacay degmada Wadajir

 

Arbaco, April, 04, 2018 (HOL)- Warar goor dhaw naga soo gaaray degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in qarax culus uu ka dhacay Isgoyska Danwadaagta sida ay Hiiraan Online u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Warar ay heshay Hiiraan ayaa sheegay in Qaraxan lagu bartilmaameedsaday gadiid guddoomiye ku-xigeenka degmada Wadajir.

Ma jirin wax dhibaato ah oo guddoomiye ku-xigeenka ka soo gaaray Qaraxa, laakiin waxaa la sheegay in uu ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaaladii la soctay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]