4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 3 , 2018
Maaamulka Koonfur Galbeed oo qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab

 

Talaado, April, 03, 2018 (HOL) - Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu soo waramayaa in ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-shabaab kuwaa soo waxyaabaha qarxa u Aasaayay waddada u dhaxeysa magaalada Baydhabo iyo degaanka Daynuunay.

Waxaa ay sheegeen Saraakiisha ciidamada Ammaanka maamulka Koonfur Galbeed in la qabtay labo qof, kuwaasoo Miino ku Aasaayay Waddada.

Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Nuuraddiin Gacma ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Ammaanka ay qarxiyeen miinadii, islamarkaana hadda labada nin la geenay magaalada Baydhabo.

Afhayeenka ayaa sheegay in raggaan dhawaan Caddaaladda la marsiin doono, maadaama ay doonaayeen in ay dhibaateeyaan dadka Shacab ah.

Deegaannada maamullka Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah meelaha ay sida weyn ugu xooggan yihiin Al-shabaab iyaga oo halkaa ka geysta weerarro kala duwan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]