4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 29, 2018
Kulankii Aqalka sare ee maanta oo looga hadlay fatahaada Beledweyne

 

Axad, April, 29, 2018 (HOL) – Gudoomiyaha golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sheegay in maanta diiradda lagu saaray kulankii Xildhibaanada Aqalka Sare u gurmashadda dadka ku dhibaateysan magaalada Beledweyne ee ay saameeyeen daadad ku dhuftay Magaaladaasi.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa xildhibaanada Aqalka Sare ka dalbaday in  lacagta ay Bishaan mushaar ahaan u qaadanayaan in ay ku caawiyaan alaalahooda ku dhibaateysan gobolka Hiiraan

Qaar ka mid ah xildhibaanada Aqalka Sare ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah loo, maadaama dadkii ka barakacay magaalada ay ku sugan yihiin xaalad adag.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqay guddi ka kooban 8 xubnood oo loogu tala galay in ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinaayo dadka ku dhibaateysan Baledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]