4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 29, 2018
Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo ka hadlay mideynta canshuurta dalka

 

Axad, April, 29, 2018 (HOL)–Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Wasaaraddiisa ay dadaal badan ku bixinayso sidii loo mideyn lahaa canshuuraha dalka.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in si siman loo billaabayo canshuurta dalka oo dhan si aanay u imaan khilaafaadkii hore oo kale ee ay ganacsatada ku doodeen in kaliya Muqdisho laga qaadayo canshuurta iibka.

Waxaa uu sheegay in marka laga reebo Soomaliland inta kale ay waddaan kulamo ballaaran oo ku aadan mideynta canshuuraha dalka.

Wasiiradda maamul goboleedyadda ayuu sheegay in yeeshaan kulamo joogto ah oo ku aadan sidii loo mideyn lahaa canshuuraha dalka, maadaama hadda dowladda ay canshuur ka qaado magaalada Muqdisho oo kaliya.

Shir ay Bishii March ku yeesheen magaalada Muqdisho asiirada maaliyadda dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa  looga hadlay dar-dargelinta arrimaha hanaanka qaadista canshuuraha dalka iyo sidii loo midayn lahaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]