Axad, April, 29, 2018 (HOL) – Wafdi uu hogaaminaayo Ra’isal wasaare ku-xigeenka dalka
Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed Khadar ayaa goor dhaw u amba baxay dalka
Burundi si uu dhiira gelin ugu sameeyo ciyaartooydeena Qaranka ee galabta
Final-ka Ciyaaraya.
Xulka kubadda
cagta Soomaaliya ee ay da,diisu ka hooseyso 17-ka sano ayaa lagu wadaa in ay
maanta ciyaarta kama danbeysta ah ee Koobka Bariga iyo Bartamaha Africa la
ciyaaraan dhigooda Tanzania.
Dhalinyarada Soomaalida waxay wareegi
semi-finalka kasoo badiyeen Uganda oo ay ku garaaceen 1-0, halka Tanzania ay
2-1 uga soo badisay Kenya.
Inti uu socday tartankan, ayeey Soomaaliya kasoo
wada badisay xulalka Ethiopia, Kenya, Uganda iyo Burudni oo ay barbarro galeen.
Haddii xulka Soomaaliya uu ku guuleysto koobkan,
wuxuu noqonayaa marki ugu horreysay oo uu xul Soomaaliyeed ku guuleysto tartan
ka tirsan kuwa qaarada Africa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]