4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 29, 2018
Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho

 

Axad, April, 29, 2018 (HOL) – Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday xildhibaan Khaliif Cabdullaahi Dheere oo ka tirsanaa  Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xildhibaan Khaliif ayaa maalmihii ugu dambeeyay xanuunsanayay wuxuuna xalay ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee xildhibaanka geeriyooday ayaa wuxuu ka mid ahaa mudanayaashii laga soo doortay maamulka Koofur Galbeed, waxaana maanta lagu wadaa in lagu aaso magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]